June 29, 2015 | Posted by admin

Nabi Luud waxaa adeer u ahaa ibraahim c.s.w .. Qisada qoonkii Luud iyo cuqubadi ku dhacday, waxay ahayd dhacdo naxdin leh oo dhacday intii u noolaa ibraahim c.s.w .. Luud waxuu aaday magaladi soodoon(Urdun) kadib markii u ibraahim ka codsaday inuu sidaas yeelo.

Nabi Luud wuxuu ugu yeeray qoonkiisa iney raacaan amarka Alle oo caabudaan kaligi iyagoo aan wax la wadaajin cibaadada, oo ka reebay dhaqanka foosha xun iyo falka qarmuunka ah ee fuulida raga ah. laakiin way iska dhego tireen oo diideen baaqi Luud.

Markii uu luud arkay ineyan geedna uga waabaneyn dhaqan-koodaasi xun waxuu baryey Alaah oo ka dalbay inuu uga hiiliyo qoonkiisa. Allana waa ka aqbalay baryadiisi, oo muujiyey caradiisa Luud awgi sida loo xumeeyo darteed.

Alle waxuu soo diray malaaiigtiisa si uu u ciqaabo qoonkii Luud. waxay maalaaiigti horay u soo mareen ibraahim .. ibraahim ayaa weydiiyey ujeedada ay u socdaan, waxay ugu bishaareeyeen wiil cilmi badan, isla markaana u sheegeen ciqaabka ay doonayaan iney ku asiibaan qoonka Luud.

Culimada waxay yiraahdaan: markii ay malaaiigti ka tageen ibraahim, waxay ahaayeen jibriil, Makaaiil iyo israafiil, waxay soo galeen magaalada Sodom ee hadda ku taal cariga Urdun iyagoo ku yimid muuqaal wiilal yar yar oo qurux badan,si uu Alle u eego, oo ku oogo xujada oo ay u mutaan ciqaabkooda .. waxaa marti galiyey Luud, waxayna ahayd goor gabal dhac ah .. Luud wuxuu ka baqay hadii uusan marti galin iney gacanta u galaan qolo kale oo halis galaan, mana ogeyn iney ahaayeen Malaaiig loo soo diray inay ciqaabaan qoonkiisa. marka waxuu u qaatay iney yihiin dad caadi ah .. Luud waa u murugoobay dartood oo ciriiryoomay, waayo waa uu ogaa inay ahayd hawl adag inu difaaco habeenimo, waayo horay ayey u soo martay taasoo kale oo loo xumeeyey martidiisa, waxayna horay qoonkiisi ugu sheegeen inusan ku marti galin cidna gurigiisa.

Luud wuxuu martidi keenay gurigiisa, cidna ma ogeyn iney yimaadeen aan ka ahayn reerkiisa. hasa ahaate waxaa baxay xaaskiisi oo ku soo war galisay qoonkeedi martidaas, waxay tiri: waxaa jooga guriga Luud niman aan weligey arag wax ka muuqaal iyo qaab wanaagsan oo ka wajiyo qurxoon. markaasay yimaadeen qoonkii oo ku soo rooreen xagooda .. Luud wuxuu isku dayey inuu iska abhiyo oo ay doontaan dumarka ay qabaan .. Malaaiigti waxay u sheegeen Luud ciqaabka ku dhici-doonka qoonkiisa .. waxaa la sheegay in jibriil uu jirida ugu gooyey magaalada iyo wixii hareeraheeda ahaa .. waxay dhamaan ahaayeen todobo magaalo oo leh dadkeedi iyo duunyadoodi, wuxuu u qaaday Samada oo afgambi u rogay iyadoo roob looga dhigay dhagxaan dhoobo duuban ah oo is daba jooga, oo xaga rabi dhagax kasta magaca qofka loogu tala galay iney ku dhacdo calaamadeysan .. waxaa la sheegay in xaaskii Luud kula hartay gadaal dadkeedi, waxaa kalo la sheegay iney la baxday Luud iyo labadiisi gabdhood, hasa-ahaate markay maqashay qaylo daran iyo qarax weyn iyo ka soo tuurida magaalada cirka, wxay ku laabatay qoonkeedi iyado leh ” alla tolkeeygiyow” markaas ayaa iyadana dhagax calaamadeysan ku soo dhacay oo digada ka dhigay

COMMENTS