July 31, 2022 | Posted by admin

Taliska ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa beeniyay in ciidamo looga dilay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Marka.

Alshabaab ayaa sheegtay inay 12 askari oo katirsan ciidamada Uganda lagu dilay qaraxii magaalada Marka ee uu ku geeriyooday guddoomiyihii degmada Marka.

Alshabaab waxay sidoo kale sheegtay in askar kale oo ku dhaawacmay qaraxaas loo duuliyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si halkaasi loogu daaweeyo.

Afhayeenka ciidamada Uganda, Brig Gen Felix Kulayigye, ayaa sheegay in dhamaan askarta Uganda ee ku sugan Soomaaliya ay bad qabaan, islamarkaana aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Si kastaba ha ahaatee, Milatariga Uganda wuxuu sheegashada Alshabaab ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo marin habaabin ah.

COMMENTS