August 1, 2021 | Posted by admin

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna guddoomiyaha guddiga amniga Qaran ee doorashooyinka ayaa soo saaray amar ku socda musharraxiinta ka qeybgalaya doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Xijaar ayaa soo jeediyey in la baaro qof kasta oo musharrax ah iyo ergooyinka wax dooranaya, si loo ogaado inay dambi ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in baaris kadib ay u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha oo ah mas’uulka ugu sarreeya doorashada, si uu ula wadaago golaha wada-tashiga qaranka.

“Qof kasta oo musharrax ah iyo qof kasta oo ergooyinka wax dooranaya ah waxa aan soo jeedinayaa in la baaro oo la ogaado inay dambi ka galeen Ummadda Soomaaliyeed waxaana u geyneynaa ra’iisul Wasaaraha si uu ugu sii gudbiyo golaha wada-tashiga qaran” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal-qaaday eedeyn loo jeediyey taliska Booliska oo ah inuu ka horyimid musharraxiin warqadda dambi la’aanta ka dalbaday xarunta C.I.D, isaga oo qiray inay jiraan shaqsiyaad musharraxiin ah oo tegay xarunta, balse aysan jirin is hortaag lagu sameeyey.

Xijaar ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in aysan jirin cid la siiyey warqadaasi, isla-markaana ay ku shaqeynayaan nidaamka u degsan dowladda Soomaaliya.

COMMENTS