November 16, 2020 | Posted by admin

Taliye Ku xigeenkii Hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa ka hadlay Isku milanka siyaasadeed ee Taliyaasha Ciidamada iyo askarta Dowladda.

Janaraal Cabdalla Cabdalla waxuu sheegay in hadii Taliyaha Ciidanka uu ku milmo siyaasada aysan ka reebaneen Ciidamada inay ku milmaan Siyaasadda Dowladda

Taliye Xigeenkii Hore ee NISA ayaa yiri  “Hadi Taliyaha Ciidanka uu Siyaasadda ku milanyahay maxaa u diidaya Askariga inuu qaato amarka taliyaha oo asna ka qaybqaato Siyaasadda?!!..
Ciidanka nooc walba uu yahay waxaa ka reeban inay kala xigsadaan kooxaha siyaasadda..
waajibaadka ciidanka waa Ilaalinta Sarraynta Sharciga iyo ka hortagga faragalin shisheeyo iyo in danta Qaranka aan loo afduubin dowlado shisheeyo ama kooxo gaar ah.

Waa nasiib darro in taliyihii Sirdoonka Qaranka uu yahay adeege shisheeyo,xubin koox gaar ah oo argagixiso ah ,kana shaqeeyo inuu masiirka dalka u gacan galiyo shihseeye..

Waajibka saaran Siyaasiyiinta soomaaliyeed waa inay diidaan ciidamaynta Siyaasadda ,oo aysan ku meeraysan waxyaalo yaryar..

Dalka wuxuu ku socdaa god mugdi ah ,doontuna waxay u muuqataa mid siidegaysa hadii aan laga hortagin askaraynta Siyaasadda iyo afduubka masiirka ummadda.

COMMENTS