July 30, 2022 | Posted by admin

Taliyaha Ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed Odawaa yuusuf Raage ayaa Muqdisho ku Soo xareeyay inta badan Ciidamadii Ciidamada 14 October

Ciidamadaan ayaa ku sugnaa Deegaanada Bariire Sabiib iyo Caanoole oo sh/dhaxe ka Tirsan, waxaana Lagu Soo xareeyay Xero Ciidan oo ku dhaw Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Ciidanka 14 October oo la dhisay Qaraxii Zoobe Markii uu dhacay ayaa ka kooban 6
urur, waxaana sadax ka mid ah ururadaas la keenay Muqdisho, waana arin lala yaabay xiligaan oo la doonayo in Dowladda Cusub ay qaado dagaalo culus in Odawaa uu ka shaqeeyo in Ciidamada Muqdisho la soo galiyo.

Saraakiil ka Tirsan Xooga Dalka ayaa sheegaya in ay tahay wax lala yaabo in 3 urur oo Milateri ah in Lagu soo xareeyo Muqdisho iyagoo Muddo 4 Sana ah Furimaha Dagaalka ku sugnaa

Odawaa oo sababta la waydiiyay waxuu ku micneeyay inuu Tababar u furi doono Ciidamadaan, Balse xiligaan lama oga wada ku Soo beegay arintaan

COMMENTS