Gen Odowaa Taliyaha Ciidamada Ciidamada xooga dalka oo sheegay in Howlgal gaar ah lagu dilay Xubna ka tirsan Al-shabaab.
Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa Howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaanka Leego ee Gobolka Shabellada Hoose.
Howlgalka uu ahaa Mid Qorsheysan ayaa Ciidanka Danab waxa ay ku dileen 7 xubnood oo shabaab ah sida ay sheegtay idacadda Ciidamada qalabka sida.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage oo la Hadlay Idaacada Ciidamada ayaa Sheegay In Ciidamada Danab ay Xalay Saqdi dhaxe ay Howlgal Qorsheysan ka fuliyeen Degaanka Leego ee Gobolka Shabellada Hoose.
Generaal Odowaa Yuusuf Raage waxa uu tilmaamay in Howlgalka lagu Dilay ku dhawaad 7 ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo dadka ku dhaqan leego ka qaadi jiray lacago baad ah.