June 20, 2020 | Posted by admin

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Taliyeyaal Cusub u magacaabay Ururada Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad iyo Taliye xigeenka Guutada.

Wareegto oo ka soo baxday Xafiiska Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa lagu soo magacaabey Taliyaasha iyo Taliye Xigeenada Ururada Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad iyo Taliye Xigeenka Guutada .

Hoos ka Akhriso Magacyada Taliyeyaasha la magacaabay.

1-Taliye xigeenka Guutada 15-aad ayaa loo magacaabey Gaashaanle c/samad muuse Yuusuf .

2-Gaashaanle Cismaan Cali Xaashi ayaa loo magacaabey Taliyaha Ururka 71-aad Guutada 15-aad QB-21-aadAKHRISO

3-Gaashaanle Axmed Dabeyl Cabdule ayaa loo dhiibay Ururka 72-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad .

4-Dhamme Sayid Cabdi Axmed Abtidoon ayaa loo magacaabey Taliye xigeenka Ururka 71-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad.

5-Dhamme Fatxi Sayid Muxudiin Axmed oo laga soo badaley Ururka 38-aad ee Taliska Guud loona soo badaley QB-21-aad ayaa soo magacaabey 73-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad .

6-L/X/Le: Maxamed Nuur Cabdi Cawaale oo laga soo badaley Turkisom ayaa loo dhiibay Taliye Xigeenka Ururka 72-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad.

7-L/X/Le: Cali Abdule Hiraabe ayaa isna loo magacaabey Taliye Ku xigeenka Ururka 73-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad.

COMMENTS