June 22, 2020 | Posted by admin

Taliyaha ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa la sheegayaa in uu Maanta la kulmay Ciidamadii Milateriga ahaa ee shalay Banaanabaxa cabashada ah ka dhigay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka cabanayay in aysan wax Mushaar ah qaadan Muddo dhan Sanad iyo sagaal Bil.

Qaar ka mid ah Ciidamada ayaa iisheegay in Taliyuhu uu usheegay Ciidamada in la siin doono Xuquuqdooda islamarkaana ay dib ugu laabtaan Goobihii ay ka yimideen.

Askarta ayaa Taliyaha u sheegay in ay dhibaato wajahayaan Muddo sanad iyo dhowr bil ahna loona sheegayay xilli walba in la siinaayo xuquuqdooda, Balse uu usheego xilliga ay heli karaan Xuquuqda ay u cabanayeen.

Taliye Dirir ayaa askarta la wadaagay in uusan sheegi karin Xilliga lacagta askartaan la helayo Balse uu ku dadaalayo in ay Helaan xaqooda.

Taliyaha ayaa natiijo la’aan kala soo laabtay Goobtii ay ku sugnaayeen Askarta Milateriga ah ee shalay Banaanbaxa dhigay.

COMMENTS