July 27, 2020 | Posted by admin

26/July/2020, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa darajooyin ufaafiyay Saraakiil Ciidanka ah ka dib dalacsiinta Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya.

Saraakiishaan Dalacday ayaa kala ah;- Taliyaha Saldhiga Boliiska Airport-ka Gaashaanle Cabdifitaax Bashiir, oo udalacay Gaashaanle Dhexe.

Afhayeenka Ciidanka Boliiiska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Duudishe, oo u dalacay Gaashaanle.

Taliye Xigeenka Saldhiga Boliiska Airport-ka Dhamme Cabdiraxman Maxamud Omar AAR, oo udalacay Gaashaanle.

Iyo Dhamme Axmed Ciise Axmed oo isna udalacay Gaashaanle.

faafinta Taliyaha Ciidanka ayaa lagu sheegay in Saraakishaan ay yihiin Kuwo firfircoon. Isla markaana muhiim u ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

COMMENTS