November 18, 2020 | Posted by admin

Allaha u naxariistee Cumar Carte Qaalib waxaa uu sanadkii 1930,s ku dhashay waqooyiga Soomaaliya isla halkaas ayuuna ku qaatay waxbarashadiisa diiniga iyo aas aasiga ahba.

Ka hor inta uu u dhoofin wadanka Ingiriiska oo uu waxbarashadiisa heerka jaamaceed kusoo qaatay sanadkii 1956 waxaa uu maamule iskuul ka noqday dugsiyo ku yaala Laas caanood Berbera iyo Hargaysa.

Sanadkii 1969 waxaa uu noqday Cumar Carte Qaalib Allaha u naxariistee wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya waxaana uu hayay illaa 1977.

Intii uu wasiirka ahaa sanadkii 1972 Cumar Carte waxaa uu noqday madaxweynaha golaha amaanka ee Q,M.

Isla sanadkaas waxaa uu door ka qaatay dhex dhexaadintii dawladaha Uganda iyo Tanzania oo waagaas uu dagaal ka dhaxeeyay.

Intii uu xafiiska joogay Soomaaliya ayaa ku biirtay ururka jaamacadda Carabta sanadkii 1974.

24 bishii January 1991 m/weynihii xilligaas ee Soomaaliya Max’ed Siyaad Barre ayaa Cumar Carte u magacaabay r/wasaare kadib muddo labo sanno ah oo uu xabsi gurri ahaa markii uu meesha ka baxay siyaad barren cali Mahdi ayaa dib ugu magacaabay r/wasaare waxaana uu hayay tan iyo bishii May sanadkii 1993

Dhawr mar ayay xukuumadii kacaanku xirtay Cumar waxaana uu xabsi ku jiray muddo 7 sanno ah illaa markii dambe laga dhigay xabsi guri.

Xigasho #KNN

COMMENTS