May 10, 2015 | Posted by admin

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay wafdi u diri doonto xuduuda Somalia la wadaagto Kenya, si ay u kormeeraan darbiga ay Dowladda Kenya ka dhisayso ee ay sheegtay iney ku sugeyso amaankeeda.
Border-wall-700x467-610x407

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa wuxuu sheegay in wefdigan ay u taggi doonaan xuduuda, si ay u soo kormeeraan darbiga ay Kenya ka dhisayso.

Wasiirka, ayaa afka ku ballaariyay in Dowladda Soomaaliya ay ka warqabi doonto heerka darbiga ay Kenya ka dhisayso xuduuda labada dal.

Kenya ayaa dhawaan bilowday darbi ay isaga xirreysa dhamaan xadka ay la wadaagto Soomaaliya, laga soo bilaabo gobolka Xeebta ilaa deegaanka Mandheera.

Waxtarka darbigaan ayaa laga muujiyey shaki badan, iyadoo sidoo kalana laga shaki qabo in marka darbiga la dhisayo Kenya kusoo durugto ciidda Soomaaliya.

COMMENTS