June 10, 2020 | Posted by admin

Soomaaliland ayaa Maanta ku dhawaaqday natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay inla baaray 59 Ruux balse 17 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira 9 Rag ah Afar  Dumar ah ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin 9 Ruux Magaalada Hargeysa, halka 4 kale ay ku sugan yihiin Magaalada Berbera.

Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana weli deegaannada Soomaaliland ka socda baarista Cudurka COVID-19.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 479 Ruux 81 Qof ay ka bogsoodeen halka 26 Ruux ay u geeriyoodeen.

COMMENTS