October 21, 2021 | Posted by admin

Soomaalida ku nool Ingiriiska ayaa helay hanjabaadyo dil ah ka- dib markii xildhibaan dhawaan lagu dilay London loo xiray nin Soomaali ah oo looga shakisan yahay inuu dilkaas ka dambeeyo.

Xarumaha jaaliyadaha Soomaalida Ingiriiska ayaa lasoo sheegayaa in lagu qasbay in la xiro, waxayna la kulmeen xadgudubyo nacayb ah, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska The Times.

Kaahiye Caalim, oo ah agaasimaha Golaha Ururada Soomaaliyeed, ayaa u sheegay wargeyska The Times in hanjabaada ka dhanka ah Soomaalida ay bilaabmeen isla markii ninka Soomaaliga ah loo xiray falka dilka ee xildhibaanka.

“Waxaan maqalnay warar sheegaya in dadka lagu aflagaadeeyay tareenka London iyo waddooyinka, laguna yiri ‘ku noqda gurigiinna, argagixiso ayaad tihiin,'” ayuu yiri Caalim.

Golaha Muslimiinta Britain (MCB) ayaa ku dhawaaqay dadaallo lagu caawinayo Soomaalida Ingiriiska iyo guud ahaan bulshada Muslimka ah sidii ay ula tacaali lahaayeen nacaybka iyo xadgudubka ka dhashay dilkii xildhibaan Sir David.

Zara Mohammed, xog-hayaha guud ee golaha muslimiinta Britain, ayaa sheegtay in masaajidyada ku yaal Southend, oo uu Sir David ka ahaa xildhibaan, ay dilkiisa aad uga xumaadeen.

Booliiska la dagaalanka xagjirnimada ayaa weli ku howlan baaritaanka kiiskaan, welina macluumaad dhameystiran kama aysan soo saarin.

COMMENTS