September 7, 2020 | Posted by admin

Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen sagaal (9) xubnood oo wasaaradda caddaaladdu ay u soo xushay inay kamid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa.

Qodobka 111aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamaya dhisidda 9ka xubnood ee guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa oo laf-dhabar u ah howlaha baarista musuq-maasuqa lagu soo oogayo qeybaha dowladda.

Qoraal kasoo baxay Golaha ayaa waxaa lagu sheegay in Xubnaha guddiga lagu soo xulay aqoon, waayo-aragnimo, karti, hufnaan iyo amaano ayna kala yihiin: Maxamed Cabdikariim Ibraahim, Avv. Cabdiweli Axmed Cumar, Dr. Xasan Khaliif Xasan, Avv. Maxamed Xuseen Xaamud, Avv. Saciido Maxamed Xaashi, Mudane Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan, Mudane Cabdullaahi Sh. Abuukar, Mudane Khadar Axmed Diiriye iyo Saamiya Siciid Xuseen.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 21/09/2019 waxuu saxiixay sharicga dhisidda guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed, kabib markii baarlmanaanka federaalku meel mariyay, waxaana xubnaha guddiga madaxa bannaan ee maanta goluhu meel mariyay loo gudbinayaa baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

COMMENTS