November 21, 2020 | Posted by admin

Shirka Wadatashiga ee maanta Muqdisho uga furmay Midowga Musharaxiinta ayaa maalintii koowaad soo gabagaboobay, iyadoo warbaahinta la siiyay warbixin kooban.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya inay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda currdanka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Musharaxiinta ay isu yimaadeen, isna cafiyeen ayna meesha ka saareen madmadowgii dhexdooda ahaa, meelna uga soo wada jeestaan sidii marxalada haatan uu dalka ku jirto uga gudbi laheyd, waxaa uu xusay in baaqooda uu yahay nabad iyo dowladnimo sal adag, doorashooyin xor ah oo xalaal ah, xukunka hadda jira aan lagu heysan inay tartamaan balse qalooca ay geliyeen doorashada ay rabaan inay saxaan.

COMMENTS