August 6, 2020 | Posted by admin

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shirka wadatashiga Beesha Muddullood, kaasoo socday afar cisho, waxaana ka soo qeyb galay Duubabka Dhaqanka, Culimaa’udiinka, Siyaasiyiinta, Haween iyo marti sharaf kale.

Furitaanka shirka iyo xiritaanka shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay shirka Madaxweynayaashi hore, Ra’iisul wasaarihii hore, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Amniga, xildhibaano.

Sidoo kale marti sharafta lagu casuumay shirka ee khudbadaha ka jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Gabagabada war murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa waxaa ka akhriyay Avv. Cumar dhagey, iyadoo hareerihiisa taagan yihiin Madaxweynayaashi hore, Duubabka Dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku matala Dowladda Federaalka.

War murtiyeedka ayaana diirada lagu saaray siyaasada amniga, Xureenta Deegaanada Alshabaab ay haystaan, Midnimada iyo dhismaha gole Mudullood yeelato.

COMMENTS