July 22, 2020 | Posted by admin

Shirkii madaxda DF iyo dowlad goboleedyada uu si rasmi ah u furmayo caawa ka dib kulamo hoose oo maalmihii la soo dhaafay u socday iyadoo hoolka shirka ay ku sugan yihiin mas’uulyiinta ka qeybgalaysa shirka balse la sugayo madaxda dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada.

Kahor furitaanka shirka ayaa waxaa la helay nuqul ka mid ah warmurtiyeedka shirka laga soo saari lahaa iyadoo warmurtiyeedkana uu ka kooban yahay siddeed qodob.

Qoraalka ayaa waxaa ku xusan in guddi farsamo oo ka soo shaqeeya sidii dalka looga qaban lahaa doorasho kana kooban dowlada federalka iyo maamul goboleedyada la sameeyo.

Sidoo kale warmurtiyeedka ayaa waxaa ku qoran in la qabto doorasho xiligeedii ku dhacdo,balse laguma xusin in doorashada ay tahay mid qof iyo cod ah iyo mid dadban toona.

COMMENTS