April 7, 2021 | Posted by admin

Waqtiyada soo aadan waxaa Shirka Afisyooni la sheegayaa in ay Ku biirayaan Madax kale, sida Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxdii Hore ee dalka ka dib Heshiis is afgarad ah oo Lagu soo wariyay Shirka Haatan usoconaya Madaxda Soomaalida.

Shirkaan ayaa Maanta dib u Furmay ka dib Maalmo ay Madaxdu Fasax gaaban galeen, waxaana Beesha Caalamku ay ku cadaadinayaan Madaxda DFS iyo DG in ay Guul ka keenaan Shirarkaan is daba Jooga ah.

Madaxdii Hore ee dalka ayaa dhankooda in Mudda ah soo jeedinayay Talo ku saabsan in la Balaariyo Shirka si talada Dalka Loo wadayeesho.

COMMENTS