August 6, 2020 | Posted by admin

Shirka wadatashiga Beelweynta Mudullood oo Maalmihii la soo dhaafay ka socda Muqdisho ayaa Maanta la soo gaba gabeenayaa.

Munaasabada oo xilligaan ka soconaysa Hoolka shirarka ee Mowlaca Macalin Nuur ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxdii Hore ee Dalka sida, Cali Mahdi Maxamed, Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo xasan Shiikh Maxamuud.

Muddo 3 Maalin ah ayuu soconayay shirkaan waxaa diirada Lagu saaray midnimada Mudullood iyo sidii Looga bixi lahaa Tafaraaruqa.

Gunaanadka Shirkaan ayaa la filayaa in la soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan Shirkaan Qodobadii ka soobaxay.

COMMENTS