April 7, 2021 | Posted by admin

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ka daah furtay shir wadatashi ah oo looga doodayo sharciga Waxbarashada Galmudug oo haatan diyaarintiisu socoto.

Kulankan oo mudo labo maalmood ah soconaya ayay ka qayb galayaan hey’addaha Waxbarashada taageera, bahda Waxbarashada iyo khubaro Wasaradda ka tirsan oo dhamaantood isku keenay fikirada muhiimka u ah in lagu daro siyaasada Waxbarashada Galmudug oo noqon doonta tii ugu horeysay ee Maamulku ku jaan gooyo qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee hormarinta Waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku Howlan Hormarinta Waxbarashada Galmudug.

COMMENTS