April 2, 2021 | Posted by admin

Kadib cadaadis badan oo ay beesha caalamku saartey madaxda Dowladda iyo Dowlad goboleedyada ayaa lagu heshiiyey in maalinta sabtida ah la isugu yimaado shir ay albaabadu u xiran yihiin oo ay beesha caalamkuna qeyb ka tahay kaas oo ka dhacaya teendhada Afisyoone ee xayndaabka Xalane.

Shaxda shirka lagu bilaabey ayaa ah dalabkii ay horay u soo gudbiyeen maamulada Jubbaland iyo Puntland oo ahaa intaan shirka la furin in laga heshiiyo Ajandaha beesha caalamkuna qeyb ka noqoto shirka kaas oo ugu danbeyn la aqbaley.

Hase ahaatee qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe ayaa ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray shir ka dhici doono Sabtida Teendhada Afisyooni Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Balse Maamulka Puntland ayaa iyana qoraal barahooda bulshada soo dhigeen waxay ku sheegtay inay soo dhoweyneyso dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana la isla gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada.

Puntland ayaa sheegtay in shirkan ay soo qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga.

Tan iyo xalay waxaa socday cadaadis xooggan oo labada dhinac la saarayay, waxaana shirka Sabtida la filayaa inay Beesha Caalamka goobjoog ka noqoto, si aanu u noqon shirkii Dhuusamaeeb ee bishii Febraayo lagu soo lala tagay.

COMMENTS