June 19, 2022 | Posted by admin

Magaalada Addis Ababa xarunta Itoobiya waxaa maanta ka furmaya Shir u dhaxeeya Taliyaasha Ciidanka Booliiska waddamada dhaca Bariga & Bartamaha Afrika ee xubnaha ka ah Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.

Soomaaliya waxaa kulankaas ku metalaya Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ku sugan Magaalada Addis Ababa, waxa uu warbixin guud ka bixinayaa howlaha Booliiska Soomaaliyeed uu qabtay muddooyinkii dambe.

Image

Shirka oo ah mid sanadkiiba mar ay yeeshaan Taliyaasha Ciidamada Booliiska Waddamada Xubnaha ka ah Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa lagu lafa gurayaa xoojinta xiriirka dalalkaan iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen soo qabashada Dadka baxsadka ah.

Kulamo gaar gaar ah ayay wada qaateen Taliyaasha Ciidamada Booliiska kahor inta aysan tagin hoolka shirka, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Xijaar ayaa la kulmay dhiggiisa Itoobiya Gen. Demelash Gebremicheal & saraakiil kale.

Image

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa la shirtagay waxqabadka Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan ilaalinta nabadgalyada goobihii lagu qabtay Doorashooyinka Baarlamaanka, Madaxweynaha, Dhaarinta & kulamadii kale ee Dalka ka dhacay.

Gunaanadka Shirka ayaa lagu wadaa in laga soosaaro Warmurtiyeed lagu muujinayo waxyaabaha ay isku fahmeen Taliyaasha Ciidamada Booliiska ee waddamada Xubnaha ka ah Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.

Image

Interpol, waa Hay’ad gaar ugu xilsaaray soo qabashada “Dadka geysta Dambiyada kala duwan ee Baxsadka ah” Dalalka xubnaha ka ah waxaa waajib ku ah in ay gacanta ku dhigaan qofka uu daneynayo Dalka xubinta ka ah Hay’addaan.

Waxaa lagu aasaasay Magaalada Vienna ee Austria 7dii September 1923, Bisha 9aad ee sanadkaan 2022 waxa ay hay’addaan jirsaneysaa 98-sano, diiwaanka Interpol waxaa galay in ay soo qabteen Dad ka baxsaday waddamadooda kuna eedeysan dambiyo kala duwan.

COMMENTS