September 23, 2021 | Posted by admin

Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Galmudug Ayaa shaacisay in Lagu kala tagay Shirkii Lagu dhexdhaxaadinayay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Axmed Shiddo Ayaa Sheegay in dhanka Rooble Heshiis ay ogolaadeen Balse ay wax walba ay ka socon waayeen Garabka Farmaajo.

Halkaan ka akhriso Qoraalka Axmed Shiddo.

Sidaad lawada socoteen Madaxweyne dowlada galmudug ahmed abdi kariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble.

Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan.

Galmudug waxay u taagan tahay in ay xaliso khilaaf walba oo hormarka, doorashooyinka iyo amniga caqabad ku ah, waxayna qeyb ka noqon doontaa dadaal walba oo dowladnimada Soomaaliya ku hana qaadi karto.

COMMENTS