October 21, 2021 | Posted by admin

Shir Deg Deg ah Ayaa Hadda Madaxtooyada Qaranka uga soconaya Madaxweyne Farmaajo Wasiirka Amniga Soomaaliya a Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Taliyaha NISA ee dhawaan Rooble Magacaabay, Taliye Bashiir Goobe.

Sidoo kale Kulankaan waxaa qeyb ka ah Madaxweynaha Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya Cabdi casiis Laftagareen iyo Masuuliyiin ka Tirsan Madaxtooyada

Kulankan ayaa ah kii u horreeyay ee dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Cusub ee Amniga Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur tan iyo markii uu Farmaajo si adag u diiday magacaabistii Wasiirka Amniga Dalka C/llaahi Maxamed Nuur.

Kulkaan Ayaa qeyb ka ah Kulamo xalay dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, waxuuna ahaa Mid Lagu xalinayo Khilaafka Madaxda ee Muddo Taagnaa islamarkaana sameeyay Hay”adaha Dowladda

COMMENTS