October 26, 2021 | Posted by admin

Gurceel wararka imaanaya ayaa sheegaya in Qeybo ka mid ah Magaalada uu Shir Deg Deg ah ugu soconayaa xubno Siyaasiin ah iyo Ganacsatada Magalaada waxayna La shirayaan Xoogaga Ahlusuna waljameeca oo Galmudug Dagaal kula Jira xiligaan.

Ganacsatada Ayaa Miciin bidaya in La Joojiyo Dagaalada Lagana Heshiiyo Murankaan, waxaana ila Muhiim ah ay Ii xaqeejiyeen in Madaxweynaha Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada ay La Balansanyihiin si ay uga Hadlaan in La Joojiyo Colaada Lagu Barakicyay Kumanaanka ruux

Shirkaan Ayaa waxaa qeyb ka ah Xubna Siyaasiin ah oo xilal Kala duwan ka Soo qabtay Galmudug iyo Dowladda dhaxe, waxaana Xooga Lagu saarayaa Shirkaan in xal la gaaro.

Muddo 4 Maalin ah Ayaa Dagaalo ka soconayeen Gurceel waxaana Lagu dilay dad ku dhaw 100 Qof oo Labada dhinac ah

COMMENTS