November 24, 2020 | Posted by admin

Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka sheegay shirka musharaxiinta ugaga socdo magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay war uu dhowaan ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa aad u dhaliilay hadal uu dhowaan sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeen Khadar ayaa sheegay in doorashooyinkii Baydhabo,Dhuusamareeb iyo Jowhar ay ahaayeen kuwo aan si sax ah loo maamulin.

“Saddex wareeg ayaan arki jirney iyadoo la baahdo loo oomo,hal wareeg waa diidanahay,xalna kuma imanayo hal wareeg intaa waa la xishoonayay waxaana l adiidanaa in siyaalihii hore la soo maray la aado.”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan diyaar u ahayn in lala tartamo oo uu doonayo in kaligiis uu tartamo. “Waxaan aaminsanahay in saaxibkey in doorasho lala glao ma rabo isagaa jaakad toshay isaga kaligii la eg in jaakad dadka oo dhan la eg la tolaan rabaa dalkana sidaa ayaa u dan ah.”ayuu sii raaciyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan waxa kale oo uu ka hadlay guddiyada doorashada waxana uu ku taliyay in guddiyo sidii la arki jirey la sameeyo isagoo xusay in arrinta guddiyadana ay tahay mid Madaxweynaha u gaar ah.

Kulan ay ka qeybgalayaan inkabadan toban musharax madaxweyne ayaa maalintii afaraad waxa uu ka socdaa hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in kulankaa maanta la soo gabagabeeyo lagana soo saaro warmurtiyeed ka hadlaya arrimaha doorashooyinka dalka.

COMMENTS