February 8, 2014 | Posted by admin
Hormud Telecom

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa muujinaya kalsooni-darro ay u qaadeen isticmaalka adeegga lacagaha la isugu diro taleefoonka gacanta EVC Plus ee shirkadda Hormuud.

Dadweyne badan ayaa maanta isugu tagay xarumaha shirkadda Hormuud ee Muqdisho, iyagoo dalbanaya in loo lacageeyo xisaabaha ugu jira taleefoonnada gacanta, kaddib markii uu tuhun galay.

Waxaa jiray warar la isla dhexmarayay gudaha magaalada oo sheegayay in Hormuud ay joojineyso adeegga EVC Plus, kaddib markii dhowaan la damiyay isku-xirkii shirkadda ee Internet-ka taleefoonka laga isticmaalo.

Saraakiil ka tirsan Hormuud oo ka gaabsaday magacooda ayaa DUHUR.COM u sheegay in adeegga uu sii shaqeynayo, isla markaana aanay waxba ka jirin wararka lagu walaaciyay shacabka.

EVC Plus ayaa ah adeeg ay aad u isticmaalaan dadka Muqdisho, waxaana adeegga — oo qidmad la’aan ah– uu macaamiisha u oggolaanayaa inay lacagta ku keydsadaan, ku dirsadaan ama loogu soo diro.

Ganacsiga magaalada ayaa aad ugu tiirsan, maadaama uu yahay hab wax lagu iibsado oo ay dadka uga maarmeen inay lacag caddaan ah jeebabka ku qaataan

COMMENTS