January 15, 2013 | Posted by admin

Booliska Talyaaniga ayaa xiray 55 qof, oo uu ku jiro dibloomaasi Talyaani ah oo ka tirsan saraakiisha safaaradda Talyaaniga uu ku leeyahay Nairobi, kaas oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay shabakad tahriibayaal Soomaali ah si sharci darro ah ku gelisa dalal ka tirsan qaaradda Yurub.
Booliska Talyaaniga ayaa sheegay inay dharbaaxo xooggan gaarsiiyeen labo shabakadood oo bilihii u dambeeyay ku lug leh tahriibinta Soomaalida.
Dadka la xiray waxaa ku jira diboomaasi lagu magacaabo Xuseen Maxamed Cabdiraxmaan ‘Baanje” oo ah sarkaal ka tirsan safaaradda Talyaaniga ee Nairobi iyo Maxamed Sheekh Cali Bashiir oo gacan-saar la leh hay’adda cuntada adduunka ee WFP.
Shabakadaha ayaa la sheegay inay laamo ku leeyihiin Kenya iyo Talyaaniga, waxayna ka qeyb-qaaten tahriibinta boqollaal Soomaali ah.
Waxaa kaloo lagu eedeeyay inay boqollaal Soomaali ah u sameeyeen dukumeentiyo aan jirin oo dadkaas lagu geliyay dalal ka tirsan waqooyiga Yurub.
Howlgalka lagu soo xirxiray raggan ayaa la sheegay inay ka qeyb-qaateen 200 oo askari, iyadoo xarigga uu ka dhacay magaalooyin kala duwan sida Rome, Milan, Turin, Florence, Prato, Bergamo, Cuneo iyo Naples.
Howlgallo kale ayaa la sheegay in saaka laga billaabay dalalka Norway, Sweden iyo Finland.
Afhayeen u hadlay booliska Talyaaniga ayaa sheegay inay baaritaannada ka qeyb-qaateen wakaaladaha Eurojust iyo Europol.
23 qof oo kale ayaa lagu wadaa baaritaan la xiriira inay xiriir la leeyihiin shabakadaha la aqoonsaday.

COMMENTS