January 12, 2021 | Posted by admin

Sarkaal katirsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Cabdulfatah Abu bakar Abdi oo loo yaqaano Mousa al Muhajir oo ay wehliyaan 20 kamid ah dagaalyahanadiisa, ayaa wararku sheegayaan inuu ku biirayo  ISIS.

Xogtaan oo ay baahiyeen ilo sirdoon ah ayaa sheegaysa in sarkaalkaan uu ahaa taliye caanka ah ururka Alshabaab dhexdiisa, balse lama garanayo sababta xilligaan kusoo beegtay inuu ku biirayo ururka Daacish.

Warbixinta laga qoray oo koobnayd waxay tilmaamaysaa inuu fadhigiisu ahaa bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in ku biiristiisa Daacish ay muran ka dhex dhalisay taageerayaasha kooxda Daacish dhexdooda.

Ku biiritaankiisa Daacish ayaa kusoo aadaysa xilli dhawaan Daacish ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Labada koox ayaa dagaallo xooggan ku dhexmareen buuralayda gobolka Bari, halkaas oo ay ku leeyihiin saldhigyo qarsoodi oo kasoo abaabulaan weerarada ka dhan ah maamul goboleedka Puntland.

Xigasho Hiiraan Online

COMMENTS