September 21, 2020 | Posted by admin

Hoteel ku yaala isgooska ceelgaabta ee Muqdisho una dhaw Kontaroolka Laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Laga helay Maydka Sarkaal ka Tirsan milateriga soomaaliya.

Maydka Sarkaalkaan ayaa laga hayay Hotel Lagu Magacaabo ridwaan oo udhaw Madaxtooyada Soomaaliya waxaana sarkaalka Magaciisa Lagu sheegay G/Le shariif Maxamud cali.

Lama oga cida ka dambeysa dilka sarkaalkani waxaana la sheegayaa in Maydka Marxuumka ay la wareegeen Ciidamada Hay’adda dimbi baarista Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee CID.

Baaritaano ayaa socda oo ku saabsan waxyaabaha sababay geerida sarkaalkaan Lagu Magacaabo Shariif Maxamuud

COMMENTS