May 3, 2021 | Posted by admin

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada waqooyiga Muqdisho ayaa caawa shir uga qeybhalaya xaafadda Shirkole ee degmada Hodan, waxaana marti qaaday taliyihii hore ee booliska gobalka Banaadir.

isgooska Sanca waxaa Goor dhaw Maray in ka badan 15 Gaari oo ay wataan Ciidamada Milateriga Soomaaliya

Shirkaan ayey saraakiishu uga arrisan doonaan isbadalada siyaasadeed ee ka dhacay dalka, sida ay ka yeelayaan baaqa RW Rooble ee ahaa in ciidamadu ka baxaan magaalada iyo waxa imaan kara haddii ciidankaan dib loo celiyo.

Muqdisho ayaa wali ah xaalad ciidan waxaana socda dedaalo xal loogu raadinayo sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada iska soo horjeedo ee kawada tirsan dowladda.

COMMENTS