September 10, 2022 | Posted by admin

Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka oo labo maalin ee lasoo dhaafay ku suganaa Magaalada Cadaado ayaa galabta qorax dhicii soo gaaray degmada baxdo ee gobolka Galgaduud.

Saraakiishaan ayaa waxaa hugaamiya Taliyaha Guutada 1-aad ee Qeybta 12-ka April Gaashaanle Sare Xasan Mohamed Abukar (Xasan Jaamici) waxaana qeyb ka ah saraakiil oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ujeedka saraakiishaan u yimaadaan Magaalada baxdo ayaa ah in xoojiyo gulufka inta badan ka socda deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ee looga xoreenayo kooxda maleesiya Alshabaab ee dhibka ku haya dadka shacabka Soomaaliyeed

COMMENTS