January 13, 2011 | Posted by admin

New York:-Masuuliyiintii uu horkacayey ra’isul wasaaraha Soomaaliya  Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa soo gaaray magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay halkaasi oo uu uga qeyb gali doono shirka Golaha Guud.

Isla maanta ayaa lagu wadaa in Mr Farmaajo uu magaalaad New York kula kulmo madax ka tirsan beesha caalamka iyo wakiilada Soomaaliya u fadhiyo dalka Mareykanka.

La taliyaha warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Ra’isulwaaaraha Eng. C/raxmaan Cumar Yariisoow oo la socda wafdiga ra’isul wasaaraha ayaa ka warbixiyey socdaalka ra’isulwasaaraha.

“Ra’isulwasaaraha iyo Wafdigiisa si nabad ah ayaa New Yor loogu soo dhaweeyey halkaasi oo saacadihi lasoo dhaafay soo gaareen, kulamada uu la leeyahay beesha caalamka goor dhaw ayey bilaaban doonaan”

Wafdiga ra’isulwasaaraha ayaa xalay inta aysan gaarin magaalada New York waxa ay horay usii mareen waqooyiga Qaarada Yurub, waxaa lagu wadaa in ra’isulwasaaraha uu uga warbixiyo Golaha Qaruumaha Guud xaalada Soomaaliya.

COMMENTS