July 7, 2014 | Posted by admin

Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo kulan ku yeeshey magaalada Muqdisho, ayaa ka doodday arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, sidii loo qaadi lahaa tallaabbooyin cusub oo dhanka amniga ah iyo arrimaha Warbaahinta dalka.
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddo ka badan 5 saacadood ka socday xarunta golaha wasiirrada ee Muqdisho, ayaa waxaa guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.
Shirka horraantiisa ayaa war-bixinno dhanka amniga looga dhageystay wasiirka Gaashaandhigga ahna sii hayaha xilka wasiirka Amniga Qaranka, Maxamed Xasan Xaamud, waxa uu faah-faahiyey dhacdooyinkii amni ee ugu dambeeyey kana dhacay Muqdisho sababaha keenay iyo waxa ay uga jawaabbeen lamaaha amaanka qaabilsan.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo kulanka inta uu socday haddal ka jeediyey ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Xukuumaddu ay baddesho wijiga la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana la dardargeliyo hannaanka xasilooni ee caasimadda, iyadoo taageero buuxda laga helayo shacabka Soomaaliyeed.
“Dhammaan hey’adaha ammaanka Qaranka laga bilaabo, maanta oo ay Taariikhdu tahay 6-da July waxaan farayaa in ay gacan bir ah ku qabtaan kooxaha argagixisada ah oo aan loo naxariisan, si shacabkeenna Soomaaliyeed ay nabad-galyo iyo xasilooni ugu dhammeystaan bishan Ramadaan, sidoo kale waa in la qaadaa ka hortag ku aaddan ficillada ay soo maleygayaan nabad diidka, Kalsooni buuxdana lagu abuuraa shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri C/weli Sheekh Axmed.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa loogu hanjabay shakhsiyaad la sheegay iney warbaahinta ka qalqal geliyaan shacabka uga qal-qalgeliya, iyadoo dhanka kale goluhu sheegay in la dhiiragelinayo warbaahinta madaxa banaan si ay horumarka dalka uga qeyb-qaadataan.
“Waxaan digniin toos ah u jeedineynaa shaqsiyaadka ku howlan in ay dalka iyo dadka ku qal-qalgeliyaan warbaahinta, loomma dulqaadan doonno arrintaasi, waxaana ka dhallan doonta haddii aan laga waantoobin tallaabbada ku habboon, dhanka kale waxaan ku dhiiragelinayaa dhammaan warbaahinta Soomaaliyeed in ay sii xoojinyaan ka qeyb-qaadashada xasiloonida dalka, amniga, iyo horumarka waddanka” ayuu sidoo kale yiri R/wasaare C/weli.
Tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan Muqdisho ka socday dilal u dhacay ku dhawaad maaline, waxaana siyaasyiin iyo waxgarad warbaahinta ku hadlay dowladda Soomaaliya ku eedeeyeen iney ku fashilantay barnaamijkii “Nabad Ku Afur”

COMMENTS