September 12, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar ku bixiyay in aan wax kharash ah laga bixin karin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan ogolaansho laga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa la faray in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda waa in ay marka mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda waajibaadkooda shaqo ka gutaan ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha, inta aan la bixin wax lacag ah.

Tilaabadaan ayaa ku soo aadaysa xilli Maanta uu Kormeer ku tegay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dekeda Weyn ee Muqdisho

COMMENTS