August 2, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed  Xuseen Rooble ayaa dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ugu hambalyeeyay bilaabista doorashada aqalka sare oo manta qaar kamid ah Xubnaha aqalka sare la doortay.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu sidoo kale soo gabagabeeyay wadatashiyadii uu la lahaa Guddoomiyah Aqalka sare iyo RW ku-xigeenk dalka ee xal u helista doorashada hoggaanka guddiga doorashada gobollada Woqooyi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeen Macalimu in Ra’iisul Wasaaraha uu ka dalbaday dowlad Goboleedyda kale ee dalka kajira inay deg deg u bilaabaan doorashada aqalka sare si lamid ah Jubbaland & Koonfur Galbeed.

Warkaan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed  Xuseen Rooble ayaa kusoo aadaya xilli dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay bilaabeen doorashada Aqalka Sare.

COMMENTS