June 24, 2016 | Posted by daacad yare

Ra’iisul-wasaaraha Wadanka Britain, David Cameron, ayaa shaaciyay inuu iscasilayo bisha October ee sanadkan.

Iscasilaadaasi Mr: Cameron ayaa ka dambaysay ka dib markii codbixiyayaasha Wadankaasi ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen in ay ka baxaan Midowga Yurub.

Raiisulwasaaraha Wadanka Britian Mr Cameron ayaa si weyn ugu ololeeyay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub, waxaana uu si wayn u caddeeyay  in uu ixtiraamayo go’aanka shacabka Dalkiisa ee ay ku muujiyeen natiijada aftida.

Brition ayaa waxaa ku dhax milmay siyaasad xun oo ku aadan in ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub, iyo in ay ka baxdo waxaana codka looga badiyay xisbiga uu ka tirsan yahay raysul wasaaraha ingiriiska oo helay codad dhan 48% halka dhinaca ka soo horjeeda Midowga Yurub, ayn heleen 52 % codad dhan.

COMMENTS