October 13, 2021 | Posted by admin

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula yeeshay aalada Fogaan Araga, wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga go’aan ka gaaristii kiiska dacwada Badda ee Maxkamada Aduunka ICJ.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa horey ugu bogaadiyay wafdigii dowlada Soomaaliya howsha qaranka u qabteen, islamarkaana waxuu u mahadceliyay qareenadii difaacay badda, iyo waliba madaxdii hore ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay wefdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga go’aanka maxkamadda ICJ ee baddeenna, ayaa ku bogaadiyay shaqadii ay qaranka u qabteen, isagoo sidoo kale u mahad celiyay qareennadii difaacayay badda, madaxdii dalka soo maray iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahin Macalimuu.

Raysal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminayay wafdiga dowladda uga qeyb galay dhageysiga go’aanka Maxkamadda ICJ ee kiiskii badda ayaa sheegay in guddoonka Maxkamadda bilow ilaa iyo dhamaad uu sheegayay inay kiiska ku guuleysatay dowladda Soomaaliya.

Shalay galinkii dambe ayay aheyd markii Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee aheyd inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa waxa uu gebi ahaanba ku gacanseeray xukunka ay Maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto amaanka gobolka Geeska Afrika.

COMMENTS