May 4, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roole ayaa waxaa uu Guddi u saaray dagaalkii Magaalada Muqdisho ku dhex-maray 25-kii Bishii Apriil Ciidamo taagersan Madaxtooyada iyo kuwo kasoo horjeeday muddo kordhinta.

Qoraal kasoo baxay Xafiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lau sheegay in iyad aoo laga jawaabayo Go’ankii uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Ra’iisul Wasaaraha ugu wareejiyay howlaha doorashada & Amniga guddigaan la Magacaabay.

Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood ayaa laga soo kala xulay Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Xubnaha mucaaradka,waxaana ay ka Shaqeyn doonaa kasoo tala bixinta & xal ka gaarista khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Wasiir Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale

2: Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax

Guddoomiye

3: Wasiirka Gaashaandhigga  Xukuumadda Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji

Xubin

  1. Mudane: Cabdi Sheekh Axmed Rooble

Xubin

  1. Mudane: Farxaan Cali Axmed

Xubin

  1. Mudane: Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Xubin

  1. Senatore Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)

Xubin

  1. Senatore Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas Dhagey)

Xubin

  1. Senatore Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer)

Xubin

  1. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur

Xubin

  1. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad

Xubin

Xubnaha Guddiga oo uu Ra’iisul Wasaaraha magacaabay ayaa waxaa  Waajibaadka laga sugayo uu yahay.

  1. Xalinta caqabadaha saameeyey Ciidamada ee ka dhashay arrimaha

siyaasadda.

  1. Dib-u-celinta Ciidamadii ka soo baxay furimaha ee soo galay Magaalada

Muqdisho.

  1. Baabi’inta calaamadii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacday Magaalada

In Guddiga howshiisa xal ka gaariska khalalaasaha uu ku soo gaba-gabeeyo muddo Shan (5) casho gudahood.

Waxaa xubnaha Guddigan la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan u gutaan howlaha loo igmaday kana keenaan gungaar dhameystiran.

Guddiga waxa uu bilaabayaa howshiisa laga bilaabo maalinta warqaddan la saxiixo lana shabadeeyo.

COMMENTS