July 26, 2020 | Posted by admin

Xasan Cali Kheyre Ra,iisul Wasaarihii dalka ayaa aqbalay xilka qaadis ay maanta Xukuumaddiisa ku sameeyeen Baarlamaanka Soomaaliya.

Kheyre oo goordhow warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa Caddeeyay in uu baneeyay xilka  uns mahadcelinaayo Xukuumaddii uu la shaqeeyay Muddo Saddex sano iyo dhowr bilood ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee barlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Khayre.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in cod la qaaday ka dib 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Khayre halka ay diideen 8 xildhibaan.

COMMENTS