June 6, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magacabaay Agaasimayaal cusub waxuuna u magacaabay xilalkaas Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta.

Wareegtada uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Saciid Cabdullaahi Calasow.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ugu magacaabay Maxamed Xayir Ducaale.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in xilka laga qaaday Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta kadib markii wasaaradaasi ay toddobaadyadii la soo dhaafay ay baahineysay wararka mucaaradka dad badana ay kala kulantay Falcalin ku saabsan Tabinta Wararka Mucaaradka

COMMENTS