October 26, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dekadaha, Daadiidka iyo hay’adaha amniga ayaa faray  in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado gaadiidka xamuulka ee badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horumariyo dhaqaalaha dalka.

Gaadiidka xamuulka ee dekada ka sooqaada badeecooyinka ayaa sababa jaam iyo cirriiri dhanka jidadka ah waxa uuna Ra’iisul wasaaruhu faray Wasaaradaha Dekadaha, Daadiidka in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado.

Tilaabadaan ayaa timid ka dib Mrakii shalay ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed xuseen Rooble oo booqasho ku tegay Dekeda Muqdisho una kuurgalay xaalada ay ku suganyihiin Gaadiidleyda

COMMENTS