October 6, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa maanta magacaabay golohiisa cusub ee wasiirrada, iyada oo Baarlamaanka la horgeeyay ayna ansixiyeen.

Saddex xubnood oo ka tirsan hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa ku soo baxay liiska golaha wasiirada cusub.

Abraham Belay, oo madax ka ahaa maamulka ku -meel -gaarka ah ee Tigray -ga oo ay dawladdu samaysay ka hor intii aanay xoogagga kacdoonku dib u qabsan gobolka ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.

Golaha wasiirada ayaa waxa ay u kala magaacaban yihiin sidani hoos ku xusan:

1.Mudane Damaqe Mokonin-raysalwasare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada

2.Mudane Malaku Alabal-wasiirka wasarada warshadaha

3.wasiirka wasarada ganacsiga iyo isku xidhka gobolka

4.Injineer Takala Uma -wasiirka wasarada macdanta

5.Danjire Nasisi Milee-wasiirka wasarada dalxiiska

6.Marwo Mufariyad Kaamil-wasiirka wasarada kobcinta shaqada

7.Mudane Axmad Shide-wasiirka wasarada maliyada

8.Mudane Laqe Ayalaw-wasiirka wasarada dakhliga

9.Dr. Fisum Asafa -wasiirka wasarada qorshaynta iyo horumarinta

10.Mudane Balate Moola-wasiirka wasarada hal abuurka iyo tiknolojiyada

11.Marwo Dagmawit Mogos-wasiirka gaadidka iyo lojistikada

12.Marwo Jaaltu saani-wasiirka wasarada magaaloyinka iyo adeegyada asasiga

13.Injiner Habtamu Hitafa-wasiirka wasarada tamarta iyo biyaha

14.Injiner Caisha Maxamad-wasiirka wasarada waraabka

15.Dr Birhanu Naga-wasiirka waxbarashada

16.Dr Liya Tadase -wasiirka wasarada caafimaadka

17.wasiirka wasarada haweenka iyo arimaha bulshada

18.Mudane Qajeela Mardasa-wasiirka wasarada dhaqanka iyo isbortiga

19.Dr Abraham balay-wasiirka gashandhiga

20.Mudane cumar xusen-wasiirka wasarada beeraha

21.Dr gediyon timatiyos-wasiirka cadaalada

22.Mudane binalfi anduwalem-wasiirka wasarada nabada

Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Wasiirrada ee u soo magacaabay Abiy Axmed ayaa waxa kal-fadhiga hortiisa ku hor dhaarisay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Itoobiya marwo ma’aza ashanafi.

Abiy Axmed ayaa laba maalmood ka hor waxaa loo dhaariyay in shanta sanadood ee soo socota uu hogaamiyo dalkaasi kaddib markii uu xisbigiisa ku guulaystay doorashadii muranka badan uu ka dhashay ee dalkaasi ka dhacday bishii Juun ee sanadkan.

COMMENTS