September 20, 2020 | Posted by admin

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Fedeaalka ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha magacaaban mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha iyo xildhibaannada wehlinayay ayaa ra’iisulwasaaraha magacaaban u hambalyeeyay una muujiyay taageero iyo garab istaag.

Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble oo aqbalay xilka uu madaxweynaha JFS u magacaabay ayaa golaha shacabka weydiistay iney siiyaan codka kalsoonida, taas oo u suura galinaysa inuu soo dhiso xukuumad cusub.

COMMENTS