September 22, 2020 | Posted by admin

Ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa la horgeynayaa maalinta berri ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo kulan ku leh xaruntooda Kumeelgaarka ah ee Villa Hargeysa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu horgeeyo ra’iisul wasaaraha magacaaban xildhibaanada golaha isagoo ka codsan doono in ay ansixiyaan ra’iisul wasaaraha cusub si uu u guto shaqooyinka loo igmaday.

Agendaha kulanka ayaa ah Hadal Jeedinta Madaxweynaha JFS iyo  U Codeynta Kalsooni Siinta R/Wasaaraha Magacaaban.

Gudoonka Golaha shacabka ayaa Fariimo ku diray Xildhibaanada waxaana Lagu war galiyay in birri la Horkeenayo Golaha Maxamed Xuseen Rooble

COMMENTS