October 15, 2020 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xariga ka jaray dhismaha Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyay.

Xarunta Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo ku burburtay dagaalladii dalka ka dhacay ayaan lagu shaqeyn muddo dheer , waxuna Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyey masuuliinta iyo shaqaalaha Wasaaradda dib u dhiska xarun muhiim u ah dowladnimada.

Eng. Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto beeraleyda Soomaaliyeed oo door muhiim ah ka qaata koboca iyo wax soo saarka dalka, maadaama la howlgaliyey xarunta wasaaradda beerahana ay soo laaban doonto doorkeeda kaga aaddan horumarinta beeraleyda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay maalinta beeraleyda Soomaaliyeed, guud ahaan beeraleyda dalka, isaga oo ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan horumarinta wax soo saarka beeraha.

COMMENTS