September 27, 2016 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashidi Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Go’aan ka gaaaridda goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanadda Goboladda Hiiran iyo Sh,Dhexe ay tahay mid u taalla Dowladda Federaalka.

Raiisul-wasaaraha oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in Guddiga Doorashadda dad-banna looga bahan yahay in ay wada tashi la yeeshaan Isimada ugu jira 2-da Gobol Odayaasha 135-ka, kadibna dib ugu soo celiyaan Dowladda Federaalka natiijada ka soo baxa tashi ay la sameeyeen odayaasha dhaqanka ee Goballadaasi.

“Waxaan u mahadcelinaya oo aan Bogaadinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan Guddiga Doorashadda 2016-ka , hase yeeshee waxaan rabaa inan faro oo aan u caddeeyo Guddiga in ay ilaaliyaan Go’anadii lagu gaaray Madasha hogaamiyaasha Qaranka oo lagu caddeyey in Go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe oo ahayd mid u taalla Dowladda federaalka Soomaaliya “ ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku booriyey Guddiga doorashadda in ay wada tashi la yeshaan dhammaan odayaasha dhaqanka ee ugu jira Goboladda Hiiran iyo Sh. Dhexe 135-ka oday, uguna tagaan goob kasta oo ay jogaan , isla markaana ay Dowladda Federaalka u soo gudbiyaan natiijadda ka soo baxda wada tashigaas sidii horay loogu heshiiyey.

Xigasho SONNA.

Maxamed Daacad Muqdihso.

COMMENTS