May 2, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mudane Multaq Alqahtani.

Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka waxa Loogu yeero argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Wafdiga Qadar ka socda ayaa shalay soo gaaray Muqdisho Waxayna Xalay kulan La qaateen Masuuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaaliya, waxayna sidoo kale Socdaal ku soo mareen Magaalada Hargeysa ee Soomaliland.

COMMENTS