June 19, 2021 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa daahfuray munaasabad lagu soo bandhigayay warbixin ku saabsan sahanka caafimaadka iyo macluumaadka dadka Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa siwadajir ah u soo Agaasimay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Qorsheynta ee Maamulka Galmudug iyo Xafiiska Istaatistikada Qaranka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hadaljeedintiisa ku sheegay ahmiyadda ay u leedahay Galmudug xog ka helidda caafimaadka iyo arrimaha bulshada si loo qorsheeyo adeegga bulshada.

COMMENTS