September 11, 2020 | Posted by admin

Wararka Laga helayo Nairobi ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu  kulan la leeyahay C/kariin Xuseen Guuleed, kulankaan ayaa ka socda Hotel ku yaalla garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta.

Qorshaha safarka degdega ee Qoorqoor ku tagay Nairobi ayaa la sheegayaa inuu ahaa labo ujeeddo oo mid ka mid ah ay tahay arrinta xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Warar Lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in C/kariin Guuleed Madaxweynihii Hore ee Galmudug lagana yaabo inuu qeyb ka noqoto shaqsiyaadka udhaw xilka Ra’isul wasaaraha dalka.

Muddo 2 Bil ku dhaw Soomaaliya malahan wax Ra’isul wasaara ah, waxaana si gaar ah isha Loogu Hayaa Madaxtooyada Soomaaliya

COMMENTS